Featured

First blog post

This is the post excerpt.

Advertisements

This is your very first post. Click the Edit link to modify or delete it, or start a new post. If you like, use this post to tell readers why you started this blog and what you plan to do with it.

post

Bandhig carweedka dhaqanka oo lagu soo gaba gabeeyey muqdisho

Bandhigaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Benaadir oo maalgaliyay Haweenka 17-ka Degmo ee Gobolka si ay usoo bandhigaan wax soo saarkooda.

Mashruucaan oo socday labo maalin ayaa Maamulka gobolka Benaadir waxa uu sheegay in ujeeddada laga leeyahay ay tahay dhiiragelinta, kobcinta, horumarinta Haweenka iyo dhaqanka.

Barnaamijkaan oo lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxa ay ku soo bandhigeen Haweenka oo kala matalayay Degmooyinka agab, dhar iyo cunooyinka Hidaha iyo Dhaqanka ay u leedahay Soomaalida, iyada oo hal ku dhigyada ay isticmaalayeen ay ka mid tahay “Badbaadi deegaanka oo jooji isticmaalka bacda, taa badalkeedna qaado dambiisha”

Waxybaaha lasoo bandhigay, waxaa ka mid ahaa farshaxanka, Xeerada iyo fandhaalka lagu cuno cuntada,  dirimo ka sameysan cow, dambiil, dhiisha caanaha, Haamo, dharka dhaqanka iyo kuwa kale oo muhiim u ah nolosha oo dhammaantooda lagu sameeyay dalka.

Sidoo kale waxa ay ahayd carwo furan oo loogu tala galay in Dadka ay iibsadaan waxyaaabaha lagu soo bandhigay halkaasi, iyada oo qaar badan oo ka mid ahaa kasoo qeybgalayaasha oo isugu jiray Madax iyo shacab ay gateen waxii ay u arkeen in ay u  baahan yihiin.

Qaar ka mid ahaa Haweenkii lahaa farsamada waxyaabaha lagu soo bandhigay ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid dhiiri gelin u ah waxsoo saarkooda.

Dadka madasha joogay ee wax ka iibsaday waxyaabaha lasoo bandhigay, waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi, Wasiirka Ammniga Mudane Maxamed Abuukar Isloow, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabid Cabdi Maxamed iyo Xildhibaanno ka tirsan Barlamanka Federaalka.

Mas’uuliyiintii ka hadashay madasha waxa ay sheegeen in Haweenka ay yihiin awood muuqata oo u baahan in la gacan siiyo, iyaga oo dhiiragaliyay mashaariicda noocaan ah ee lagu soo nooleynayo dhaqanka Soomaalida.

Bandhigaan waxa uu yimid, iyada oo ay sii yaraanayaan wax soo saarka iyo adeegsiga waxyaabihii ay Hidaha iyo Dhaqanka u lahaan jireen Soomaalida.

Maxkamad ku taal dalka india oo dil ku xukuntay shabeel

Maxkamad ku taalla dalka Hindiya ayaa dil ku xukuntay shabeel afar qof ku dilay gobolka Maharashtra.

Dadka u dooda xuquuqda duurjoogta ayaa isku deyay in ay difaacaan shabeelka oo lagu xukumay in aragti lagu toogto, 23-kii June. Balse maxkamad kale ayaa maanta taageertay go’aankaa.

Shabeelka waxaa la qabtay bishii July, ka dib markii uu laba qof ku dilay afar kalena ku dhaawacay weerar uu ku qaaday deegaan ka tirsan magaalada Brahmapuri, ee gobolka Maharashtra.

Balse waxaa sii daayay laanta ilaalinta shabeellada, laba qof oo kale ayuuna dilay ka dib markii la siidaayay.

Dr Jerryl Banait, oo diidan go’aanka maxkamadda ayaa BBC-da u sheegay in uu racfaan ka qaadan doono xukunka maxkamadda sare.

Dadka u dooda xuquuqda duurjoogta waxay sheegeen in ay wanaagsanaan lahayd in deegaan kale la geeyo shabeelka. Laakiin cabsi badan ayay dadku qabaan.

Saraakiisha kaymaha oo raadinaya shabeelka oo lagu magacaabo Kala, waxay sheegeen in uu baxsaday oo uu jaray illaa 500km, tan iyo bishii July.

Hindiya waxaa ku nool boqolkiiba 60, shabeellada caalamka, taas oo halis ku ah deegaamada sii badanaya iyo ugaaratada sharcidarada ah.

Sidoo kale waxaa dila shabeelka dad u dhoofiya Shiinaha oo dadkiisu daawo ka sameystaan.

Ka dib markii degin laga sameystay meelihii ay ku noolaayeen, shabeelka wuxuu dadka kula dagaallamaa khayraadka, sida biyaha, taas oo sababta geeri.

Dilka Shabeelka ee Hindiya ayaa sare u kacay dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Sanadkii 2015-kii, waxaa la sheegay in 80 shabeel la dilay, sanadkii ka horeeyayna 78 shabeel la dilay.

Taliyaha militariga DFS oo tegay deeganka bariire

 waxaa deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose gaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Somaliya General Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid).

General Cirfiid ayaa waxaa safarka ku wehlinaayay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Somaliya, kuwaasi oo ka raacay Magaalada Muqdisho.

General Cirfiid, ayaa warbixino ka dhageystay Saraakiisha hogaamisa ciidamada Xoogga ee ka howlgala deegaanka Bariire, waxa uuna sidoo kale booqday dhammaan dhufeysyada ciidamada.

Socdaalka Cirfiid ayaa la xiriira arrimo ku aadan u kuurgalka xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka Xoogga dalka Somaliya ee deegaanka Bariire.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa dhawaan deegaanka Bariire ku laayey Ciidamo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Somaliya, kadib markii weerar qorsheysan halkaasi ay ku qaadeen.

Sidoo kale, Cirfiid ayaa Ciidamada Xoogga ee ka howlgala deegaanka Bariire ku dhiirageliyay inay dhawraan dadka shacabka islamarkaana ay ka feejignaadaan weeraro dhanka Shabaab kaga yimaado.